Madaxweynaha Soomaaliya Mr Hassan Sheikh Maxamuud oo ka qeybgalaaya 90 guuradii aasaaskii Jamhuuriyada Turkiga

90

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa caawa ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyagoona ku sii jeeda dalka Turkiga kaddib markii casuumad ay ka heleen madaxweynaha dalkaas Cabdalle Guul.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku sii dhaweeyay madax ka tirsan dowladda, waxaana madaxweynaha la socda qaar ka mid ah golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya, sida uu soo sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta Turkiga uu joogo wuxuu la kulmi doonaa dhiggiisa dalkaas Cabdalle Guul iyo madax ka tirsan dowladda Turkiga.

safarkaMadaxweynaha

Ma cadda wax yaabaha sida gaarka ah ay uga hadli doonaan labada madaxweyne, balse illo ku dhowdhow xafiiska madaxweynaha ayaa ku soo warramaya in ay ka hadli doonaan siddii loo xoojin lahaa calaaqaadka ka dhexeeya labada dowladood.

Turkiga waxaa uu hadda ugu horeeyaa waddamada doonaya in Soomaaliya ay horrumar ku tallaabsato, waxaana magaalada Muqdisho ay ka wadaan dhismooyinka wadooyinka iyo  adeegyada muhiimka ah.

 

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.