Beel ka mid ah Beelaha Digil & Mirifle oo doortay Oday dhaqameed cusub

79

Beesha Eelaay oo ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ee degga Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya gaar ahaan gobolka Bay ayaa waxay dooratay Malaaq Cusub, iyadoo lagu soo doortay kulan maal-mihii ugu dambeeyay ka soconaayay xarunta Gobolka Bay magaaladiisa Baydhabo

Maal-mihii ugu dambeysay ayaa waxaa Degmada Buur Hakaba iyo degmada Baydhabo ee Gobolka Gobolka loo-fadhiyay, sidii Beesha Eelay u yeelan laheyd Malaaq cusub, waxaana markii dambe lagu guuleystay in Malaaq Beesha Eelaay loo-caleemo saaro Malaaq Xuseen Axmed Cabdiyoow.

Malaaq Xuseen Axmed Cabd,iyow ayaa noqonayaa mid ka mid ah Malaaqyadii beesha Eelaay oo si rasmi ah u doortaan dadka ka soo jeedo beeshaasi oo si ay u dhan yihiin isugu raacey doorashadiisa,waxaana lagu soo caleemo saaray dadaalo xoogan oo maal-mihii ugu dambeysay ka soconaayay Degmada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay.

Halkaan Hoose ka aqri qoraalka loo diray dhamaan hay’adaha ay quseyso doorasahada Malaaqa Cusub ee Beesha Eeelaay Malaaq Xuseen Axmed Cabiyoow:  magacaabis oday dhaqmeed

Madasha lagu caleymo saaray Malaaq Xuseen Axmed Cabdiyoow ayaa waxaa ka hadlay  Masuuliyiin isugu jirta kuwa dhaqanka beesha, aqoonyahano iyo culamaa’udiin oo ay ugu horeeyaan  Malaaq Warsame Aadan Xasan iyo Malaaq Cabdi Xaaji Siidoow iyo waxgarad badan oo magac iyoo maamuus ku leh Beesha Eelay waxayna intuba si aad ah u soo dhaweeyeen doorashada hogaanka dhaqanka ee beesha iyagoo Ilaahey uga baryey in xilkiisa u fududeeyo, dadka ka soo jeeda beesha faray in ay la shaqeeyaan.

doorasho

Jaaliyada Beesha ee Gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa iyagu waxay si aad u soo dhaweeeyeen Malaaqa cusub ee Beesha Eelaay iyo sida wanaagsan ee ay u soo doorateen Hogaan dhaqameed cusub oo ay beesha yeelato oo tallada beesha wax laga weydiiyo, isla-markaana waxayna jaaliyadaha dibada iyo kuwa waxgaradka gudaha ku sugan u rajeeyeen Malaaq Xuseen Axmed Cabdiyoow guul.

Malaaqa Cusub ee beesha dooratey Malaaq Xuseen Axmed Cabdiyoow ayaa isuguna  wuxuu si diiran uu ugu mahad-celiyay Nabadoonada iyyo cuqaasha kale ee beesha Eelaay, isla-markaana wuxuu ku ammaanay inay waqti iyo dadaal ay ku bixiyeen, sidii beesha ay u yeellan laheyd Malaaq cusub.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.