Wariye Timada Cadde oo u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray weerarkii gaadmada ahaa

63

timacadeWaxaa habeenkii xalay ahaa ku geeriyooday isbitaalka Madiina Wariye Maxamed Maxamuud Timadacade, kaas oo maalma ka hor kooxa bastoolado ku hubeysan ay ku dhaawaceen degmada Wada-jir ee gobalka Banaadir.

Waxaa wararku sheegayaan in wadnuhu istaagay Marxuumka kadibna uu sidaasi u geeriyooday

Tima-cadde ayaa la filayaa in lagu aaso magaalada Muqdisho iyada oo ay socoto qaban-qaabada lagu doonayo in lagu aaso.

Maxamed Maxamuud Timada-cade ayaa geeriyooday maalma uun kadib markii isbitaalka la dhigay uuna u muuqday nin soo kabanaaya.

Waa wariyihii 7-aad ee sanadkaan lagu dilo Soomaaliya, waxaana tacsi u diray ururka Suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed dhamaan bahda Saxaafada Soomaaliyeed iyo ehelkii uu ka baxay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.