Saraakiil Muhiim ah oo shaqadoodii looga eryay weerarkii Westgate

67

imagaretaionIyada oo waayihii danbe ay ka socdeen dalka Kenya baaritaanno la xariira sidii ay ugu fududaatay kooxaha argagaxisada ahaa in ay weerarkii Westgate ku guuleestaan, ayaa waxaa la ogaaday in waaxda socdaalka ee dalkaasi ay siiyeen dukumintiyada dal ku galka dhamaan dagaalamayaashii weerarka fuliyay.

15 sarkaal oo ka shaqeynayay waaxda socdaalka dalkaasi ayaa shaqadoodii waayay, waaxana lafilayaa in baaritaanka oo wali socda uu saameeyo saraakiil kale oo ka tirsan waaxda socdaalka iyo qeybo kale.

Weerarkii Westgate ayaa waxa uu qal qal kii ugu badnaa geliyay hanaanka amaan ee dalkaasi iyada oo ay bilaawdeen baaritaanno lagu baadi goobaya cid kasta oo arintaani lug ku leh, waxaana dad badan ay sheegeen in ay fududenyta qaraxyada aysan aheyn mid dalkaasi loola yaabo maadaama uu musuqu ku badanyahay.

Si kastaba, 15-kaan sarkaal ayaa waxa ay yihii dadkii ugu horeeyay ee shaqada looga eryo arima la xariira weerarkii West-gate.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.