Degmada Taleex ee gobolka Sool oo qarka u saaran inuu ka qarxo Dagaal iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland oo gaaray

42

Xiisad_ka_taagan_Degmada_Taleex_4

Degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa waxaa soo gaaray Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdisamada Cali Shire oo isaga iyo ciidamo uu hogaaminayo ay  kasoo kicitimeen Magaalada Garoowe, taas oo ilo wareedyadu sheegayaan in saansaan colaadeed ay ka oogantay magaalada Taleex oo laga cabsi qabo inay isku faro saaraan Kooxda Khaatumo ee Magaaladaasi Taleex degan iyo ciidamada uu wato Cabdisamad Cali Shire.

Sida ay Wargeysyada Somaliland u xaqiijiyeen dad ku sugan degmada Taleex ayaa sheegay in markii uu soo gaaray Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Ciidamada uu hogaaminayaa ay Kooxda Khaatumo ay dhaq-dhaqaaq colaadeed  ka alooseen deegaankaasi, kuwaasi oo ilo wareedyadu intaa ku dareen in ujeedada  ciidamada Puntland ay u soo gaareen Taleex ay salka ku ahayso sidii maamulka Puntland gacanta ugu dhigi lahaa deegaanadaTaleex ee kooxda Khaatumo gacanta ku hayso.

Waxay wararku intaasi ku darayaan in gurmad xoog badan oo ka imanaya deegaano ku dhow-dhow degmadaas oo ay ka mid tahay Carooley, Godaalo iyo deegaano kale oo ka tirsan Taleex ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo colaadeed.

Dhinaca kale Kooxda Khaatumo ayaa la sheegay inay shir ka furteen degmada Taleex balse aanay goob joog ku ahayn xubnaha horjoogayaasha u ah kooxda Khaatumo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.