URURKA MMD OO 400 RUUX OO BUKAAN AH GAR-GAAR CAAFIMAAD OO LACAG LA,AAN AH UGU FIDIYAY SARKUUSTA.

55

Waxaa dulleedka magaallada Muqdsho KM10 aga gaarka Sarkuusta oo haatan ah meelaha ay sida aad ka ah ugu badan yihin barakacayaasha ay Ururka Hormarinta Hooyadda & dhallaanka Maternal Mercy Development  (MMD)  ugu sameeyeen Baartitaano iyo Daaweyn.

Ururka MMD oo howlo baaritaan caafmaad oo qalab casri ay addeegsanayeen Dhaqaatir u taba baran addeegsiga qalabkaassi loogu tallagalay Malaariyadda.
Dad gaaraya 400 afar boqol oo isugu jira Haween, Caruur, & Rag odoyaal ah ayaa ka faaidaystay iyadoo dadka qaar ka mid ah oo gaaraya 89 ruux laga hellay Cudurka malaariyadda iyaddoo Mudoo 20 daqiiqo gudahood Jawaabta la siinayay daawadana loo raacinayay.

q 1 jj o r tt uu v

Isku duwaha howlaha Ururka MMD Mudane Asad Abukar Ali (Asad Dhayow) ayaa u sheegay saxaafada in ay qalabkan casrga ah & daawadan ugu deeqday urura Caafimaadka Aduunka ee  (WHO) si ay ugu caawiyaan barakacaayasha malariyadda ku hayso dulleedka magaallada muqdisho.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay dulleedka magaallada Muqdisho ka fuliyaan Ururkan Howl caafimaad oo lacag la.aan ah.

Dadkii ka faaidaystay ayaa si wayn ugu mahad celiyay gar gaarka Caafimaad ee l;oo sameeyay waxa ayna ka codsadeen Ururka inuu markasta la soo gaaro gar gaarrada sidan oo kale si ay dadka naftoodda u bad baado.

 

 

You might also like More from author

Comments are closed.