Mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka oo Salaadda Ciidda la tukaday Shacabka Muqdisho: SAWIRRO

33

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa saakay Salaaddii Ciidul Adxa Masjidka weyn ee Isbaheysiga kula tukaday boqolaal dadweyne oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Saacid, Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ayaa si wada jir ah shacabka kula ciiday Masjidka Isbaheysiga oo ay ku oofiyeen Saaladdii Ciidda, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka inta u dhaxeysa Madataxtooyada iyo Masjidka Isbaheysiga.

Madaxda Dalka ayaa si wada jir ah shacabka Islaamka gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ugu diray Hambalyada Ciidda, iyagoo u rajeeyay in nabad ku wada ciidaan, Muslimiinta u taagan xajkana Illaahey ka aqbalo xajkooda.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u jeediyay iney ka shaqeeyaan Nabadgelyada iyo horumarka dalka si loo gaaro horumar iyo dib u heshiisiin.

Salaad-Isbaheysi-1 Salaad-Isbaheysi-2 Salaad-Isbaheysi-3 Salaad-Isbaheysi-4 Salaad-Isbaheysi-5 Salaad-Isbaheysi-6 Salaad-Isbaheysi-7 Salaad-Isbaheysi-8 Salaad-Isbaheysi-9 Salaad-Isbaheysi-10 Salaad-Isbaheysi-11 Salaad-Isbaheysi-12 Salaad-Isbaheysi-13 Salaad-Isbaheysi-14

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.