Madaxda Midowga Africa “AU” oo isku raacey in la kordhiyo ciidamada Nabad Ilaalinta Soomaaliya Jooga.

53

Shirkii Dalalka ku jira Midowga Afrika ee magaalada Adis-Ababa oo la soo geba-gebeeyey ayaa lagu amaaney doorka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, waxaana hoosta laga xariiqey in muddadii ay joogeen horumar ballaaran dhanka nabadda laga gaarey, Shirka ayaa isku raacey in ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya kor loo qaado tiradooda lana gaarsiiyo 24 000 kun oo askeri, halka ay markii hore ka ahaayeen 18 000 kun oo askeri, Qorshahan cusub ayaa la horgeyn doonaa Qaramada Midoobey si loo meelmariyo una noqdo Qaraar UN-ka ka soo baxay. Waxaa la aaminsan yahay in ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ku sugan ay ka badan yihiin 18 000 oo askeri, marka la eego ciidanka itoobiya ka jooga oo aan la aqoon tiradooda rasmiga ah iyo kuwa Dalka Kenya ee hadda ku jooga magaca AMISOM.

SOMALIA-UNREST-AFRICANUNION-BAIDOA

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirkii dalalka ku jira Midowga Afrika ka sheegay in ciidamo badan oo Soomaaliya ah la tababaray, kuwaas oo hadda u baahan agabkii ay ku hawlgeli lahaayeen, si loo soo afjaro ayuu yiri dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Ciidamada al-shabaab daacadda u ah hadda ayaa lagu qiyaasaa 5000 – 7000, waxaana inta badan ay ku jiraan tuuloyinka iyo miyiga Koonfurta Soomaaliya, Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa gaaraya in ka badan 30 000 oo askeri, muddo 15 bilood ah waxaa hoos u dhacay horu socodka ciidanka Soomaaliya. Tan iyo markii uu xilka la waereegay Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud waxaa hakad galay dhamaan dagaaladii markii hore lagu hayey al-Shabaab, waxaana dowladiisu la tacaaleysey khilaafyada ka dhextaagan iyada iyo maamulada dalka ka jirey ama ka dhismey.

You might also like More from author

Comments are closed.