Dhageyso: Wararkii ugu danbeeyay Ciidamadda Axmed Godane, iyo Sarkaal kale oo Shabaab ka tirsan oo isku dagaalay gobolka Gedo

40

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya Ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab oo ka kala amar qaata Hogaamiyaha Kooxda Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo Zakariye oo Hogaanka Kooxda ka tirsan inay ku dagaalameen deegano ka tirsan gobolka Gedo.

Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal Madaxa gaashaandhiga Ahlusunna ee gobolka Gedo oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa xaqiijiyay inuu dagaal ku dhex maray gobolka Gedo Ciidamo ka wada tirsan Koxda Al-shabaab.

[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/10/Sheekh-Isxaaq-Xusen-mursal-Geesdheere.mp3]

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaasi laakiin si rasmi ah looma hayo war sugan oo kusaabsan tirada ciidamada waxyeelada soo gaartay.

Sakariye sargaalka la yiraahdo waxa uu ka mid yahay hogaanka sare ee Al shabaab waxaana uu katirsan yahay xitaa dadka qaarkood mareykanka uu dul dhigay lacago farabadan si nolol ama geeri loo keeno.

Dagaalka udhaxeeya Axmed Godane iyo Sakariye ayaan la ogeyn sababta ka dambeysa inay ciidamo kala taabacsan dagaalamaan.

Hogaanka sare ee Al-shabaab ayaa dhowr garab u kala jabay bilihii u danbeeyay waxaana dagaalo khasaare gaystay ay ku dhex mareen deegaano ka tirsan gobolada Bay, Bakool, Gedo, iyo Shabellaha Hoose taasoo sababtay inay iskaga dileen dhowr sarkaal oo Kamid ahaa Ibrahim Xaaji Miicaad (Ibrahim Afgaan).

alshabaabBaraawe

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.