Madaxweynaha Uganda oo dalbaday in la kordhiyo Ciidamadda Nabad galyada u joogo Somalia.

45

Madaxweynaha Dalka Uganda Y.Mosevani oo iminka ku sugan kana qeyb galay Shirka ka furmay Magaalladda Addis Ababa ee Cariga Dalka Ethiopia, ayaa waxa uu Codsaday in la kor dhiyo Ciiddamadda Somalia u jooga nabad galyada.

MusaveniUganda

Waxa uu Tilmaamay in xiligaani Somalia ay u bidhaantay Wadada horumarka iyo Nabadda, loona baahan yahay in lasii kordhiyo Ciiddamadda.

‘’Haa degnaanshaha Somalia waxa uu ka turjumaaya kaalinta Ciiddamadda AMISOM ay ku leeyihiin Somalia waxaana lagama maarman ah in la kordhiyo Ciiddamadda’’ Ayuu yiri Madaxweynaha Uganda.

Dhanka kale, waxa uu Madaxweynaha Sheegay in Ciiddamadda AMISOM ay dhawaan sii laba jibaari doonaan Howlgalada ay u joogan Somalia waxa uuna Farta ku goday in Ammaanka Somalia uu dan badan ugu jiro Caalamka.

Ugu dambeyntii, waxa uu Beesha Caalamka ka codsaday in garab wanaagsan lasiiyo Dowladaha Africa ee gacanta kula jira Somalia si meesha looga saaro waxa uu ugu yeeray haraadiga Al-qacida.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.