Dhageyso Xildhibaan Dalxa oo dhaliiley Shirka Baydhabo, Yuuse u aaminsan yahay in ay ka go’do Talada Gobolka Sh/Hoose

109

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka mid ah masuuliyiinta sheegta inuu ka soo jeedo gobolka Shabeelaha Hoose isla markaasna aad u dhaliilsan in gobolka Shabeelaha Hoose aan masiirkiisa yeelan karin beelaha Digil iyo Mirifle. Xildhibaanka oo wareysi siiyey Televisionka Universal ayaa duray masuuliyiinta sare ee dowlada iyo siyaasiyiin dano gaar ah ka leh iney iska horkeenaan shacabka ku wada nool gobolka Shabeelaha Hoose.

[audio:http://idalenews.com/wp-content/uploads/2013/10/DalxaDood.mp3]

dalxa1

Dhowaan ayay aheyd markii xildhibaanku gaarey gobolka shabeelaha Hoose isagoo ka qeyb ahaa wafdi balaaaran oo ka socda xukuumada iyo golaha shacabka kuwaasoo isku dayaayey in sideeda degmo ee uu gobolku ka kooban yahay loo dhiso maamul dadku soo doorto. Xildhibaanka ayaa dhaliiley farogalin lagu haayo gobolka isla markaasna ku tilmaamey in shabeelaha Hoose noqdey suugo cid waliba ay dooneyso iney ku daarato oo aan dadkii masiirka gobolkaas lahaa aan waxba laga weydiin waa sida uu hadalka u yiri.

 

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.