Dhageyso: Mid ka mid ah Masuuliyiintii taageersanaa Maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe oo soo dhoweeyey Shirka Muqdisho ee dowlada ku baaqdey

98

Hogaamiyaha Culima’udiinka Ahlusunna Waljamaaca ee gobolada Koonfureed  Ahna Gudomiyihii Saxiixeyaasha Jubbaland Sheekh Maxamed Yuusuf Awlibaax oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xaaladaha Jubbooyinka iyo Qarax ka dhacay gudaha degmada Baladxaawo  xalay.

[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/10/AW_LIBAAX_MUQ.mp3]

Ugu horayn ayuu Tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay maqaaxi ku taala degmada Baladxaawo kaasoo ay ku dhinteen labo ka tirsan Ciidanka Ururka Ahlusunna Waljamaaca xili ay ku sugnaayeen goob  Maqaaxi ah tiro kalana uu dhaawac kasoo gaaray.

“Ugu horayn waxaan tacsi u dirayaa dadkii ku dhintay Qaraxii shalay ka dhacay degmada Baladxaawo kaasoo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen iyo labo ka tirsan Ciidanka Ahlusunna oo ku geeriyooday” ayuu yiri Sheekh Awlibaax.

Sheekh maxamed Yuusuf Awlibaax ayaa ku eedeyay masuuliyada qaraxaasi Kooxda Al-shabaab wuxuna sheegay inay socdaan baaritaano dheraad ah oo ku aadan sidii ay wax u dhaceen, isagoona intaasi raaciyay Ciidamadda Ahlusunna iyo kuwa Dowlada inay gacan bir ah ku qaban doonaan cid walba oo lagu helo inay ku lugleedahay Qaraxaasi.

Dhanka kale wuxuu soo dhaweeyay heshiiskii ay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ku gaareen Maamulka Jubba iyo dowladda Federalka Soomaaliya, isagoona tibaaxay dhinacyadii heshiiskaasi wada gaaray in laga doonayo si buuxda inay u fuliyaan heshiiskaasi.

“Qodobada Heshiiska waxaa kamid ahaa kow in dib u heshiisiinta in la iskugu imaado Muqdisho oo dowladda Federaalka dhigto gogosha shacabkiina waxay u diyaarsanyihiin gaar ahan kuwii khilaafku u dhexeeyay dagaalkuna dhex maray in shir la qabto dib u heshiisiin ah Muqdisho ayayna joogaan. ” ayuu yiri Awlibaax.

Hogaamiyaha maamulka Juba Axmed Madoobe  ayaa si cad u sheegay inaysan tageen shirka Muqdisho ka dhacaya kaasi oo uu sheegay inuu yahay mid baalmarsan hishiiska Adis Ababa laakiin arrintaasi waa ganafka ku dhuftay oo diiday Awlibaax oo ka mid ahaa ragii wax kasoo dhisay maamulka Juba oo hadda Muqdisho u jooga ka qeybgalka shirkaasi.

Waxaana uu Awlibaax sheegay in masiirka Jubooyinka iyo Gedo uusan noqon doonin mid hal shaqsi kaliya ka taliyo, isaga iyo siyaasiyiin badana ay Muqdisho u joogaan arrintaasi, isagoona ka hadlaya waxa uu yiri .

” Axmed Madoobe haddii uusan tageyn isaga Muqdisho oo uusan ka qeybgaleyn shirka 21 bishan dowlada ku baaqday inay qabaneyso ,waxaan ummada Soomaaliyeed u sheegayaa in aan Muqdisho aniga iyo madax kale u joogno ka qeybgalka shirka dowlada qabaneyso kaasi oo wajigiisa koowaad ka dhici doono, halka midka labaad aan dadaal ugu jirno inuuba Gedo ka dhaco” ayuu yiri Shiikh Awlibaax.

Hogaamiyaha Ahlusuna ayaa sidoo kale hadal aan horey looga baran oo ka dhan ah xaalka Kismaayo kaga dhawaaqay shirkaasi, isagoona sheegay in kismaayo aysan  aheyn ammaan la isku haleyn karo oo lagu kulansiin karo dhamaan dhinacyada iska soo horjeeda.

” Kismaayo ma ahan ammaan la isku haleyn karo waana sababta aan u taageereyno ka qeybgalka shirka Muqdisho ka dhacaya kadibna aan ugu baaqeyno in shirka labaad uu ka dhaco Gedo oo ka ammaan badan Kismaayo ” ayuu yiri Shiikh Maxamed Yusuf Awlibaax.

Wuxuu xusay Sheekh Awlibaax gobolka Gedo intaasi badan inuu yahay nabad isla markaana aysan jirin cid xiligani cabsi ka qabta inaan shirwayne dib u heshiisiineed lagu qaban Karin aysan jirin.

” Haddii dib u  hishiisiin dhab ah la qaban oo dadka la wada qancin ma filayo inuu dhismi doono maamul dhameystiran oo ka taliya Jubooyinka iyo Gedo, haddaba waxaan leeyahay dadka waa inay wada taageeraan shirka Muqdisho oo ay yimaadan” ayuu yiri mar kale Awlibaax.

awlibaax

Hadalka Awlibaax hadda kasoo yeeray ayaa u muuqda inuu jiro khilaaf xoogan oo kala dhexgalay isaga iyo ragii kale oo ay soo wada dhisteen maamulka Juba. Waxaana baryihii ugu danbeeyey laga waayey kasoo muuqashada shirarka iyo kulamada ay leeyihiin madaxda maamulka Juba, taasi oo dad badan ku macneeyn jireen inuu jiro khilaaf hoosaad ka dhexeeya isaga iyo maamulka.

Awlibaax ayaa ilaa hadda waxa uu yahay siyaasiga kaliya ee maamulka Juba wax kasoo dhisay ee taageeray shirka Muqidisho islamarkaana hadda Muqdisho arrintaasi u jooga, waxaana muuqata inu waji siyaasadeed cusub rabo inoo ka ciyaaro dhanka dowlada Soomaaliya, lamase yaqaan waxa ay saaxiibadiisii hore ee Axmed Madoobe iyo Gen, Fartaag uga jawaabi doonaan hadalka Awlibaax.

Shirkan jaraa’id ayuu Awlibaax ammaan ugu soo jeediyey IGAD doorkeeda ku aadan xal u helida arrimaha Jubooyinka iyo Gedo. Waxaana uu dowlada Soomaaliya ka dalbaday inay shirka Muqdisho ku casumaan IGAD si ay wax badan uga ogaadaan wadahadalka shacabka gobolladaasi degan dhexmari doono.

You might also like More from author

Comments are closed.