Kulankii 2aad ee Barlamaanka oo lagu magacaabey guddiga doorasaha lana ansixiyey

25

Kulankii xunbaha cusub ee barlamaanka ee ay isugu yimaadeen maanta oo ka dhacey xarunta  Gaadiidka Booliiska ee Degmada Cabdicasiis ayaa Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ku ansixiyey gudiga doorashada gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankan ayey Xildhibaannada Baarlamaanka ku yeesheen xarunta gaadiidka Booliiska ee magaalada Muqdisho waxaana shir gudoominayey Gudoonka ay sida KMG ah xildhibaannadu shalay u doorteen General Muuse Xasan Cabdulle.

Kooramka kulankii maanta ay Xildhibaannada Baarlamaanku ku yeesheen xarunta gaadiidka Booliiska ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo xiday 184 Xildhibaan waxaana ay cod gacan tag ah ku anxiyeen gudiga doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeennadiisa oo ah xubno ka kooban 15 Xildhibaan.

Magacyada gudiga doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ee ay ansixiyeen Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa kala ah:-

Caasho Xaaji Cilmi

Xasan Macalin Xuseen

Nuur Iidoow Beyle

Maxamed Maxamuud Guure

Sahro Jaamac Cali

Ciise Maxamuud

Maxamed Ismaaciil

Khadiijo Maxamed Diiriye

Caadil Sheegoow Sagaar

Maxamed Warsame

Fowsiyo Maxamed Sheekh

Cismaan Libaax

Sahro C/qaadir

Ciise Maxamed Cali

Feysal Cumar Guuleed

Gudoonka KMGka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u go’aamiyey in 16ka bishan la qabto doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayadoo qabashada araajida musharixiinta u tartamaya xilka gudoomiyenimo ee Baarlamaanka ay ku egtahay 25bishan August.

Kulankii maanta ay Xildhibaannada Baarlamaanku ku yeesheen xarunta gaadiidka Booliiska ee magaalada Muqdisho ayaa soo gebageboobay waxaana uu ahaa fadhiga Labaad eek ala fadhiga koobaad.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho

Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com

 

You might also like More from author

Comments are closed.