Baalayaasha Ileyska Cad-Ceeda Ku Shaqeeya Oo Muqdisho Lagu Qarxiyay

53

Waxaa saakay qaraxyo xoogaan laga maqlayay qaybo kamida magaalada caasimada ee Muqdisho kuwaasi oo sida xaqiijiyay lagu qarxiyay labo kamida baalayaasha ku shaqeeya ileyska cad-ceeda lagu xiray waxyaabaha qarxa.

inta la hubo waxaa weeraarkaasi wax kasoo gaareen labo ruux oo Aroornimadii hore ee saaka ka soo baxay salaada Subax,kuwaasi oo la sheegayo in mid kamida labadaas ruux uu yahay dhaawac halis.

Baalayaashan la qarxiyay ayaa waxa ay ku yaaleen agagaarka Isgoyska KPP gaar ahaa dhinac wadada aada Tarbuunka.

Sidoo kale wararku waxa ay intaas ku darayaan in Baalo kale  isna lagu qarxiyay isgoyska Geed Jaceyl ee Degmada Warta Nabadda, halkaasi oo isna saaka qaraxa laga maqlay.

ilaa hada laga oga sababta rasmiga ee ka danbaysa  qaraxyada lala beegsanayo baalayaasha ku shaqeeya iftiinka Cadceeda.

Horay ayaa loo qarxiyay qaar kamid ah baalayaasha ku shaqeeya ileyska cad-ceeda Magaalada Muqdisho, iyadoo baalayaasha horay loo qarxiyay ay gaarayaan ku dhawaad sideed bale.

baala

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.