Abaanduulaha Xooga Dalka Somalia oo loo diidey inuu gudaha u galo Kismaayo, maalintii 2aadna ku xaniban Garoonka Kismaayo

71

Wararka aan ka heleyno magaalo Madaxda gobolka Jubbada Hoose eee Kismaayo waxay sheegayaan in Garoonka Diyaaradaha ee magaaladaasi laguxabinay Abaanduulaha ciidamada xooga Dalka General C/risaaq Khaliif Cilmi .

Generalka ayaa la sheegay inuu doonaya inuu u gudbo gudaha magalada Kismaayo balse waxaa lasoo warinayaa inay ciidamada amaanka Maamulka Jubba ay u diideen inuu u gudbo inkastoo sababta aan wali shaacin.

Wararka ayaa sheegaya in Maamulka Jubba uu amar buuxa ku bixiyay in aanu garoonka kasoo bixin abaanduulaha, islamarkaana uu meeshiisa ku laabto.

abaanduulahXoogaAKh

Maamulka Jubba ayaa Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka , Waasiirka Gashandhigga Somaliya, Talaiyaha ciidamada Xooga iyo xubno kale waxay ku eedeynayaan inay abaabuleen Dagaalkii Kismaayo  ka dhacay.

Arintan wali kama aysan hadlin  Maamulka Martida loo yahay ee Jubba ee la sheegay inay abaandulaha gudaha magaalada u diiden inuu u gudbo.

Sidoo kale saraakiisha iyo madaxda dowlada Soomaaliya wali wax war ah kama aysan soo saarin , waxaana la sheegay in General C/risaaq wali uu ku sugan yahay Garoonka diyaarada Kismaayo oo Duleedka ka ah magaalada

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.