9 ka mid ah wafdigii balaarnaa ee Madaxweyne Xasan oo Yurub & Canada Iska dhiibay

57

Sagaal qof oo ka mid ahaa wafdigii Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud u soo raacey shirarkii Brussels iyo Mareykanka ayaan lahey meel ay cirib dhigeen markii ay soo gaareen dalalka Yurub iyo Mareykanka, kuwasoo qaarkood hadda lagu arkey Sweden iyo Norway, labo waxay Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya  uga soo hareen dalka Ireland, Labo kale waxaa gaari looga qaadey Columbus oo waxay iska dhiibeen Canada.

Maalmihii shirka Brussels socdey waxaa Hotelkii laga waayey shan ruux kuwasoo xitaa la fakadey Kaararkii furaha qololka Hotelka ahaa,tasoo dhalinaysa in laga yaabo in lacago dheeraada lagu soo dalaco qaybtii xisaabaadka Shirka qaabilsaneyd.

Dadka isdhiibey waxaa ka mid ahaa Sadex Qof oo aan Dowlada u shaqayn balse u muuqda kuwo lasoo Xambaarey si ay isu dhiibaan.

Laba wiil ayaa Afhayeenka Madaxtooyada Cabdiraxmaan Yariisow uu u kexeeyey Ireland, maalmo ka hor ayayna iska dhiibeen Magaalada Dublin.

europeUSA

Wafdiga Madaxweynaha qaar ka mid ah ayaa wali Yurub ku sugan kuwasoo Casumaado ka heley Jaaliyadaha, Waxaa ka mid ah Gudoomiyihii Gobolka Shabellaha Hoose oo Casumaad ka heley Jaaliyada Gobolkaas ee Meelo Yurub ka mid ah, Isagoo arimo caafimaad hada u jooga Jarmalka

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Siidi ayaa isaguna ka mid ah dadka Norway iska dhiibay, isagoo cabsi ka qabo xil ka qadis lagu sameeyo haddii dalka dib ugu noqdo maadaama gobolka shabeelaha Hoose ay hadda dadka deegaanka ku howlan yihiin qorshe ay maamulo dadka ay soo doorteen oo laga soo bilaabaayo degmooyinka gobolka iyo heer gobol iney dhistaaan.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.