Daawo: Xubin Sare oo Barlamaanka Kenya ka tirsan oo codsadey in Xeryaha Qaxootiga Somalida irdaha loo laabo

38

Xubin sare oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in Xildhibaanada Baarlamanka dalka Kenya loo badinayo in ay codsan doonaan in la xiro Xeryaha Qaxootiga dalka Kenya kuwaas inta badan dadka ku jira ay yihiin Soomaali.


Ndung’u Gethenji, oo ah gudoomiyaha guddiga Difaaca ayaa waxa uu sheegay in ay hayaan warar sheegaya in Xeryaha Qaxootiga ay ku jiraan Soomaalida loo adeegsado Meelo ay kutaba bartaan kooxaha Weerarada ka gaysta gudaha dalka Kenya.

Gethenji, oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladda Kenya looga baahan yahay in ay dib uga fikirto Maalgelinta Qaxootiga Soomaalida ah.

Todobaadkii aan ka soo gudubnay ayaa dowladda Kenya waxa ay shaacisay Qorshe dib looga saarayo Qaxootiga Soomaalida ah Magaaloyinka waaweyn ee dalka Kenya, qorshahaasi oo ay Haayadaha u dooda Xuquuqul Insaanka ay ku tilmaameen Sharci daro.

In ka badan  500,000 oo Qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa waxa ay ku sugan yihin gudaha dalka Kenya.

Dhanka kale Baarlamanka dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in ay baarayaan Bililiqo la sheegay in intii uu socday baaritaankii lagu samaynayay Westgate ay gaysteen Saraakiisha dalka Kenya, lana filayo in loo magacaabo guddi baaraya Bililiqadaasi la sheegay in ay ka dhacday Suuqa westgate Mall, kaas oo la sheegay in baaritaankaasi ay qaadaneyso Muddo todobaadyo ah
kenya

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.