Eedeysanayaal ka baxsatey Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho iyo Masuulkii Xabsiga dhexe oo weli u xiran

36

Laba toddobaad kadib markii uu Cabdiraxmaan Cali Abuukar oo ahaa maxbuus al-Shabaab ah laga waayay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, ayuu ninka baxsadka ka ah caddaaladda aan wali gacan lagu soo dhigin iyada oo mas’uuliyiinta ammaanku ayan ka hadlayn sida uu ku baxsaday iyo kaalinta ay — haddiiba ay jirto — mas’uuliyiinta xabsigu ka qaateen qorshaha baxsigiisa.

Mas’uuliyiinta ammaanka Soomaaliya ayaa 11-kii September xiray madaxii xabsiga, Korneeyl Maxamed Xuseen Axmed Sabdow, iyo afar askari oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliya sababo la xiriira tuhun ah in ay gacan ka gaysteen baxsiga Abukar maalin ka hor awgood.

Laba askari oo kale oo ka tirsan kuwa xabsiga laguna tuhmay in ay laaluush ku qaateen in xagjirku fakado ayaa ka baxsday xiritaanka, Xasan Ibraahim oo ka tirsan Ciidamada Asluubta Soomaaliya ayaa sidaa sheegay.

Abukar, oo 32-jir ah, waxa la xiray 7-dii April, 2012-kii, isaga oo haysta suun ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa, kaasoo uu doonayay in isaga oo isticmaalaya qarxiye uu ku dilo Taliye Ku-xigeenkii hore ee Ciidamada Qaranka Soomaaliya Janaraal Cabdikariim Yuusuf Aden Dhagabadan, ayuu sheegay Ibraahim.

“Ninkan ka tirsan al-Shabaab waxa uu la xiriiray Khaliif Cali Nuur, darawalkii Janaral Dhagabadan, waxana uu waydiistay in uu u fududeeyo dilka uu maleegayay isaga oo taa ugu baddali doona lacag,” ayuu yiri Ibraahim. “Darawalkii ayaa soo sheegay arrinka sidaa ayaana lagu qabtay.”

Abukar ayaa laga waayay qolkiisii xabsiga 10-kii September markiibana waxaa la bilaabay qorshe lagu raadinayo, laakiin lama helin. Ammaanka ayaa la xoojiyay tan iyo wixii intaa ka dambeeyay, ayuu sheegay Ibraahim, halkaas oo ay ku dhawaad 100 al-Shabaab ah ku xiran yihiin qeyb khaas ah.

Su’aalo dhab ah

Sabdow iyo afarta kale ee sarkaal oo lagu soo eedeeyay in ay gacan ka gaysteen baxsiga Abukar iyo in ay laaluush qaateen ayaa ku xiran xarunta dhexe ee Waaxda Baarista Dambiyada ee (CID).

Madaxa CID-da Janaraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa diiday in uu wax xog ah ka bixiyo xarigaas laakiin waxa uu qiray in CID-du ay baarayso xaaladda waxaana uu sheegay in dadwayenaha lala socodsiin doono natiijada baaritaanka marka la dhammeeyo.

Sarreeye Guuto Xasan Xuseen Cismaan, taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliya, ayaa sheegay in qaybtiisu ay baareeyso sida baxsigu u dhacay.

xabsigaDhexe

“Qaar ka tirsan ilaaladii xabsiga ayaa loo xiray arrintan waxaana socda baaritaan la doonayo in lagu ogaado ciddii ka dambaysay baxsiga xubintan ka tirsan kooxda nabad-diidka ah,” ayuu sheegay. “Qof kasta oo lagu helo in uu galay dambigan waxaa la hor keeni doonaa caddaaladda.”

Janaraalka howlgabka ah Maxamed Nuur Galaal, oo ahaan jiray wasiir ku-xigeenkii hore ee wasaaradda difaaca ee taliskii Maxamed Siyaad Barre, ayaa sheegay in dhacdadani ay bannaanka u soo saareeyso karti-xumada shaqo ee ciidanka ammaanka.

Askarta Soomaaliyeed ma haystaan daryeelkii ay u baahnaayeen, taasoo keeni karta in ay u nuglaadaan laaluushka iyo musuqmaasuq kale, ayuu yiri.

“Waxaa loo baahanyahay in askarta ilaalada xabsiyada dalka ay ahaadaan kuwo laga warhayo daryeelkooda si ay u gutaan waajibka saaran maxaa yeelay askari baahan wax ma ilaalin karo laaluush ayuu u nugulyahay,” ayuu yiri Galaal.

You might also like More from author

Comments are closed.