Kulan Madaxweynihii hore ee Somalia Sheikh Shariif iyo Mahiga & Xubno Beesha Caalamka dhex-marey maanta oo aan wax natiijo ah laga gaarin

28

Kulan maanta Qeybta VIP-da ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku yeesheen Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheikh Axmed oo ay wehliyaan saaxiibadiisa siyaasada Wasiirka Gaashaandiga Xuseen Arab Ise iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo Ergiga gaarka ee Somalia Ambassador Mahiga oo ay isna wehliyaan Taliyaasha Ciidamada AMISON ee jooga Somalia ayaan wax natiijo ah ka soo bixin.

Sheikh Sharif Sheikh Axmed oo dadaal aad u weyn u galey in dib loo soo celiyoxildhibaanadii Guddiga Farsamadu diideen, ayaa sheegey inuusan ku qanacsaneen sida ay wax u socdaan iyo awoodda xad dhaafka ah ee guddiga Farsamada ee Soo xulista barlamaanka la siiyey isla markaasna waxuu codsadey in dhamaan dib loo soo celiyo xubnihii laga saarey liiska iyo sidoo kale  in xildhibaanada beelaha qaar sida beesha Xawaadle dib loogu soo celiyo gacanta odayaasha beesha Xawaadle, Hase ahaatee beesha caalamka iyo ergiga gaarka ahba ku adkeysteen in howsha guddiga farsamadu ee soo xulista barlamaanku tahay mid waafaqsan heshiiska Garowe 1 & Garowe 2, laguna faragalin karin.

Sharif Sheikh Axmed oo eedeyn kulul u jeediyey guddigaas kuna sheegey in howshii loo ikmadey baal mareen, ayaa ka sheegey kulankii maanta in haddii wax laga qaban waayo ay dhici karto in dalku qalaase siyaasadeed iyo jahawareer hor leh faraha la galo, taasoo masuuliyiintii halkaas joogtey ula muuqatay handadaad iyo hadal meesha ku habooneyn.

Shaley ayey aheyd markii Sheikh Shariif iyo koox taageersan ay dhowr saacadood hor istaageen qaadashada kaararkii aqoonsiga ilaa markii dambe taliyayaasha ciidamada AMISOM farageliyeen howsha lana wareegeen amniga meesha lagu bixinaayey kaararkii xildhibaanimada. Sidoo kale waxaa kaloo jirtey in Sheekh Shariif Sheikh Axmed oo shaley oo xilkiisu ku ekaa uu xabsiga ka sii daayey tiro maxaabiis ah oo kor u dhaafeysa 200 oo maxbuus, kuwaas oo ku eedeystaa dilalka qorsheysan ee magaalada ka dhaca iyo  maxaabiis lagu soo qabtey dagaaladii ciidamada dowlada & kuwa AMISON ay la galeen xooggaga Al-Shabaab bilooyinkii ugu dambeeyey,  taasoo uga muuqatey masuuliyiintii kale ee kulanka joogey ee ka socotey beesha caalamka in lagu deg-degay sii deynta maxaabistaas balse ay u arkeen in Shariif Shariif Sheikh doonaayo in qalaase siyaasadeed iyo amni daro dalka dib u galo.

 

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho

Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com

You might also like More from author

Comments are closed.