Madaxweyne Xasan Sheikh oo State House dalka Mareykanka kula kulmay Xoghaye Dibadeedka Mareykanka John Kerry

95

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo booqasho ku jooga Washington ayaa la kulmey Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka John Kerry, kulanka ka dib ayaa labada masuul wada Qabteen shir Jaraa’id.
Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka ayaa markiiba hadalka ku bilaabay in Dowlada Maraykanku ay sii wadayaan wada shaqaynta Maraykanka kala dhaxeysay Soomaaliya, wuxuuna xoghayaha arrimaha dibadda ee maraykanka John Kerry sheegay inay qaranimada soomaliyeed ay wax badan ka dhiman yihiin taasoo uu ku dhiirageliyay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sii wada shaqada gudaha dalka taala si meesha ay uga baxdo dhibaatada soo noqnoqtey ee dalka ka jirta.

johnKerry&HassanSheikh1 JohnKerryHasan johnKerry&HassanSheikh

Madaxweyne Xasan sheikh oo isna hadlay ayaa wuxuu sheegey in dowladiisa ay wax badan ka qabatey arrimaha amniga iyagoo kaashanaaya Ciidamada AMISON, sidoo kalena sheegay in ciidamada qaranka dhismo uu ku socdo si ay u hantaan amniga guud ahaan dalka. Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale ku faaney in xukuumadiisu ay heshiis la saxiixatay dowlad goboleedyada Jubba Administration, PUntland iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca taasoo u muuqatey mid uu dowlada Maraykanka u tuso Dowladiisu iney gaarsiisan tahay Deegaanada Soomaaliya oo idil, lakiin Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu hilmaamay in in dhibaatada heshiiska Jubba Administrration oo ka careysiiyey qowmiyada digil iyo mirifle oo sheegay in la duusadey deegaano badan oo ay lahaayeen aana laga wargalin ayna dhowaan dhisi doonaan maamul goboleed ka kooban 6 gobol, taasoo ay gogoshiisa hadda loo fadhiyo xarunta gobolka Bay ee magaalada Baydhaba.
Daawo Shirka Jaraa’id ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo John Kerry Xoghaye Dibadeedka Mareykanka oo aqalka looga arrimiyo dalka mareykanka ka dhacey.

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.