Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan iyo Maxamed Sharif Abu oo loo magacaabey Safiirada dalalka Imaaraadka Carabta iyo Ciraaq

83

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin natiijadii ka soo baxday shirkii Brussels, soo jeedin la xariirta magacaabista labo safiir, iyo weliba xaaladdaha guud ee dalka.

Shirka ayaa ugu horeyntii waxay golaha Wasiiradu dhegeysteen warbixin la xariirta amniga, taasoo lagu sheegay in ciidamada amnigu ay wadeen todobaadkan howlgalo ay ku beegsanayaan kooxo nabadiid ah kuwaasoo maleegayay qorshayaal ka dhan ah amniga, waxayna xuseen in howlgaladan mid ka mid ah lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al shabaab, oo uu ku jiro nin gacanyare u ahaa Abuu-mansuur Al Amriki oo ahaa nin heysta dhalashada Mareykanka, lana rumeysan yahay in dagaal dhex maray labo kooxood oo ka wada tirsan Al shabaab uu ku dhintay.

Gabagabadii kulanka golaha, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiwali, isaga oo xusay in goluhu ay shirkoodan kaga doodeen natiijada shirka Brussels ayna soo dhoweeyeen, kuna tilmaameen in balanqaadyada lacageed ee laga sameeyey shirkaasi ay qeyb ka qaadan doonto horumarinta adeegyada bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha.

Sidoo kale, afhayeenku waxa uu sheegay in golaha Wasiiradu ay ka doodeen soo jeedin ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda kuna saabsan magacaabista Safiirada Imaaraadka Carabta iyo Dalka Ciraaq, waxaana labadan dal loo kala magacaabay Gen. Maxamed Sheekh Xasan oo loo magacaabay Imaaraadka Carabta iyo Maxamed Shariif Abuu, oo loo magacaabay Safiirka Dalka Ciraaq u fadhiyi doono dalka Soomaaliya.

maxamedXasan

Ugu dambeyntiina, Afhayeenka ayaa sheegay in golaha Wasiiradu ay soo dhoweeyeen horumarka ciidanka xooga dalka ay ka sameeyeen Degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe, waxayna ammaan u jeediyeen ciidanka xoogga, iyaga oo xusay in talaabadan ay horseedeyso in gargaar la gaarsiiyo ayna ka howlgalaan hay’addaha samafalka.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.