Madaxweyne Farole oo taageerey howsha Guddiga Farsamada, kana digey in dib loo soo celiyo xubnihii laga saaray liiska barlamaanka

20

Dhageyso khudbad aad u xiiso badan oo munaasabada Ciida uu jeediyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole: [audio:http://idalenews.com/wp-content/uploads/2012/08/madaxweyneFarole.mp3]

Madaxweyne Faroole ayaa si kulul uga hor yimid in xubnihii laga saarey liiska cusub ee barlamaanka dib loo soo celiyo, waxuuna sheegey iney muday yihiin in xubnahaasi lagu ciqaabo dhibaatadii ay ummda badeen 22kii sano ee fowdada dalku ku jirey. Waxuu sheegey Faroole in ragaasi uu Ilaah iyo ummadda Soomaaliyeedba marqaati ka yihiin dembiyadii dilka, dhaca iyo qaxa isugu jira oo ay geesteen.

Sidoo kale, waxuu sheegey in kuwa kale ee sida dadban iyo masuqmaasuqa ku soo galey barlamaanka iyaguna lala xisaabtami doono iyadoo loo maraayo dastuuriga noo degsan  iyo sharciyada  beesha caalamka lagana saari doono barlamaanka iyo dowlada guud ahaan waqtigey noqotaba.

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Axmed iyo Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Shariif Xasan ayaa iyugu taageersan in hogaamiye kooxeedyadii in ay ka mid noqdaan barlamaanka cusub. iyadoo Shariif Xasan ay u sii dheer tahay inuu heerka aqooneed ee xubnaha barlamaanka laga saaro soo xulista barlamaanka, sheegeyna in ay tahay in aan wax dugsi sare ah iyo shahaado jaamacadeed toona lagu xirin ka mid ahaanshaha barlamaanka.

 

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho

Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com

You might also like More from author

Comments are closed.