Maamulka Puntland oo wax laga xumaado ku tilmaamay Weerarki lagu qaaday Axmed Madoobe

44

index

Maamulka Puntland ayaa Cambaareeyay weearkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo kaas oo lala damacsanaa Madaxwaynaha Maamulka Jubaland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Jaamac ayaa sheegay in Puntland ka xuntahay weerarkaa islamarkaana ay cambaaraynayso waxa ayna ku eedeeyeen Alshabaab.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa hugaamiyaha Jubaland waxa uu ku dhiirigaliyay in shaqadiis uu sii wato oo aysan wax is hortaaga ku samayn tilaabadaa kooxaha Nbaad diidka ku fashilmeen.

Maamulka Puntland ayaa saxib dhaw la ah Maamulka Jubaland waxana ka dhaxeeya xariir fiican tan iyo markii Maamulka Gobaladaa laga hirgaliyay.

Cmabaaraynta Puntland waxa ay imaanaysaa xili Dowlada Soomaaliya Midowga yurub QM iyo Ururka AU Cabaareayeen qaraxii shalay dadka rayidka ah ku dhinteen.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.