DAAWO: Baaderigii Mareykanka rabay inuu gubo 2,998 Nuqul Qur’aanka oo xabsi la dhigay

44

Ciidamada Booliska Gobolka Florida ayaa xabsiga u taxaabay Baadariga Muslim naceybka ku caan baxay ee Terry Jones xili uu doonayay inuu gobo 2,998 nuqul oo Kitaabka Quraanka Kariimka.

Baaderigan ayaa horay ugu hanjabay inuu gubi doono Kitaabka Quraanka Kariimka, iyadoo falkan uu dhacay shalay oo ku beegneyd 11 September oo ah maalintii la qarxiyay sarihii dhaadheeraa ee WTC.

Terry Jones ayaa sheegay in dadkii ku dhintay weerarkii 9/ 11 uu ugu aargudi doono, wuxuu yiri si aan shucuurteena u muujino oo aan u xasuusano weerarkii 0/11 waa inaan ugu aar gudnaa 2,998 nuqul oo aan gubnaa.

Ciidamada Booliska Florida ayaa ka war helay in ninkan uu qorsheystay inuu xuska 9/11 ugu qeyb qaato gubista quraanka kariimka, waxayna ku qabteen wadada isaga iyo gaarigiisa oo laga helay 2,998 nuqul oo Quraanka Kariimka.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliska ayaa wuxuu sheegay in Baadari Terry Jones uu ku xadgudbay sharciga u degsan wadanka Mareykanka, sidaasi darteedna maxkamad la soo taagi doono.

Baaderigan ayaa horay hadalado uu jeediyay waxaa ka dhashay xiisad iyo dibadbaxyo Muslumiinta Mareykanka ay dhigeen, taaso halis gelisay naftiisa.
DAAWO BOOLISKA OO QABANAYA GARBA TUUBNA  LOO XERAYO BAADERIGA

[vsw id=”mu__OCYX5Pk” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.