Axmed Madoobe oo ka hadlay weerar lagula beegsaday magaalada Kismaayo

35

Waxaa galabta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Kismaayo Gudoomiyaha Maamulka KMG ee JUBBA Axmed Maxamed Islam (Madoobe)waxana uu ka warbixiyey qarax maanta lagu weeraray magaalada Kismaayo.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shir saxaafadeedkiisa ku sheegay in uu ka badbaaday isku day dil oo la doonayay in lagu Khaarajiyo.

Axmed Madoobe oo xilligii uu shirka qabanayay ay xaaladiisu caafimaad ahayd mid aad u wanaagsan ayaa sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo ka soo gaartay qaraxii maanta gudaha magaalada ksimaayo lagu eegtay Isaga iyo madax kale oo maamulkaasi katirsan.

Gudoomiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay in Kooxda Al-shabaab ay ka danbeeyeen qarax la doonayay in lagu qaarijiyo.

Ciidamada ammaanka ayaa howlgallo ay ku baadi goobayaan cidii kadambaysay weerarkaasi kawada gudaha magaalada Kismaayo waxana soo baxaya warar sheegaya in dad badan loo soo qabtay weerarkaasi.

Hadalkan ka soo yeeray Gudoomiyaha Maamulka Jubba ayaa meesha ka saaraya warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in Sheekh Axmed Madoobe uu ku dhaawacmay weerarkii lagula eegtay magaalada Kismaayo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.