Obama:- Waan la socdaa in Haddii xaaskiisa Michael Obama wax laga waydiin lahaa dagaal Suuriya lagu qaado ay diidayso balse go’aan ayan ka gaareynaa.

23

fggr

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in Haddii xaaskiisa Michael Obama wax laga waydiin lahaa dagaal Suuriya lagu qaado ay diidayso, oo xaaladu sidaa tahay mucaaridad adagina ka hor timiday.

Madaxweyne Obama oo runtii laga dareemayay diidmada iyo mucaaradida balaadhan ee lagala hor yimi dedaalkii uu maamulkiisu ku doonayay in Suuriya lagu duqeeyo, ayaa waraysi uu siiyay telefishan ku yaala dalkaas waxa uu sheegay in heerka mucaaridada ee lagala hor yimi qorshihiisa duulaan lagu qaado dalka Suuriya, ay gaadhay ilaa gurigiisa oo xitaa sida uu hadalka u dhigay, ay Marwada koowaad Michael Obama ku mucaarid tahay in dagaalkaas uu qaado.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama isaga oo arrintan ka hadalaya waxa uu yidhi, ?Waan ogohay in qof walba jecel yahay nabad galyada iyo in xal dublamaasiyadeed loo maro, arrinta dalka Suuriya, laakiin waa mid qalbiga gubaysa markaad aragto carruur yar yar iyo dumar loo isticmaalay hub kimikal ah, sawiradaas oo qalbi takh takh laga qaadayo.?

Obama oo ka hadlayay heerka mucaaridada iyo dadka ka soo horjeeda dulaan lagu qaado Suuriya ay gaadhsiisan tahay, ayaa yidhi, ?Heerka Mucaaridada anigaa qiraya, sababtoo ah waxa xitaa igu mucaariday xaaskayga Michael oo si wayn uga soo hor jeesata qorshahaas, waanan dareermi karaya heerka ay gaadhsiisan tahay diidmada dadka Maraykanka ee dagaal danbe oo la galo.?

Obama ayaa ku tilmaamay sababta ugu wayn ee keentay cabsida Maraykanku ka qabaan dagaal lagu qaado waddan kale, mid ka dhalatay dhibaatooyinkii laga arkay Afghanistan iyo Ciraaq iyo waliba Libya laakiin uu isagu doonayo in aanu dalkaas ciidamo lug ah u dirin oo aan dhulka laga galin, laakiin la naafeeyo oo kaliya nidaamka Asad, si ay ciqaab marin uga noqoto isticmaalka hubka kimikalka ah.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.