Dhaarinta Barlamaanka Cusub iyo Magacaabista Guddiga Doorashooyinka oo Maanta dhaceysa

40

Xubnaha Cusub ee Barlamaanka oo ay la socdaan odayaal dhaqameedkii keeney ayaa dhamaantooda shaley oo ciid aheyd safaf dheer u galey sidii ay u heli lahaayeen kaararkoodii aqoonsiga meel u dhow garoonka diyaarada ee Adan Cade. Waxa aan shaley suurtogalin iney helaan kaararkii aqoonsiga balse dhamaantooda laga qaadey sawiradii kaararka aqoonsiga.  Hase ahaatee la sheegey in maanta oo Isniinta ka hor inta uusan shirka ugu horeeya ee barlamaanku furmin loo qaybin doono kaararkii aqoonsiga oo sawiradooda lagu xardhey.

Agendaha ugu horeeya ee shirka xubnahaan cusub ee barlamaanka ayaa ah in marka hore xildhibaanada iska soo dhex xuleen qofka ugu da’da weyn kaasoo si ku meel gaar ah u shir gudoomin doonta barlamaanka, waxaana xigi doona magaabista guddiga doorashada oo howshiisa tahay diyaarinta doorashooyinka sida nidaamka & sharuucda doorashooyinka, diiwaangelinta musharaxiinta  iyo muddeynta xiliga ay dhaceyso doorashada gudoomiyaha barlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Ilaa iyo hadda, waxaa guddiga farsamadu sheegeen iney hayaan tiro 215 xildhibaan, inta harsana la soo dhameystiri doono ka hor inta aan la qaban doorashada guddoonka sare barlamaanka.

Beesha Caalamku oo shaley shir jaraa’id ku qabatey magaalada Muqdisho ayaa taageero buuxda u muujiyey howsha iyo go’aanka guddiga farsamadu ee soo xulista barlamaanka, waxayna odayaasha dhaqanka ugu baaqeen iney soo magacaabaan bedelka xubnaha dib loogu soo celiyey sida ugu dhaqsiyaha badan, isla markaasna u hogaansamaan go’aanka guddiga farsamada oo ku shaqeynaayaa go’aanadii Garow 1 & Garowe 2 lagu gaarey.

Ma jiraan ilaa iyo hadda xubno si toos ah ugu dhaqaawey iney yihiin musharaxiin u taagan xilka gudoomiyaha barlamaanka iyo ku xigeenadiisa, hase ahaatee waxaa la filayaa marka barlamaanka cusub la dhaariyo isla markaasna la magacaabo guddi doorasho in xubnaha u tartamaaya jagooyinkaas  ku dhaqaaqi doonaan ka qeybgalkooda tartanka guddoonka sare ee barlamaanka & ku xigeenadiisa taasoo in ka yar saacado kooban naga xigaan helista magacyada musharaxiinta u taagan xilalkaas.

 

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho

Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com

 

You might also like More from author

Comments are closed.