Dad wax ku noqday weerar qarax loo adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho

84

qarax okok

Wararka laga helaayo Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-wadaag ayaa waxa ay sheegayaan in bam gacmeed lagu weeraray bartamaha suuqaasi ay ka dhasheen qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ruux haweeney ah oo ka dukaameysaneysa Suuqa gaar ahaan xarunta sarifka ayaa ku geeriyootay weerarkaasi halka laba ruux oo kale iyana ay ku dhaawacmeen, sida ay ku waramayaan goob-joogayaasha.

Weerarka ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsanayay ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ee dowlada Soomaaliya inkasta oo aysan jirin wax qasaara ah oo kasoo gaaray.

Daqiiqado ayaa waxaa hakad u galay weerarkaasi dhaq-dhaqaaqyadii suuqaasi iyada oo ay socdeen howl-gallo ay sameynayeen ciidanka dowlada oo ilaa hadda aan lasoo tebin cid lagu soo qabtay.

Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa marar badan  ka dhacay weerarro isugu jira kuwa toos ah iyo banbooyin kuwaas oo ay ku dhinteen dad badan oo isugu jira Rayid iyo ciidan qaran.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.