(XOGTA QARSOON). Farmaajo oo diiday in Ra’isul Wasaare laga dhigo iyo Shirdoon oo qarka u saaran inuu meesha ka baxo

171

download (1)

Ra’iisul wasaraihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaaho ayaa ku gacan seeray inuu noqdo Ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya ka dib markii codsi arinkaasi ku aadan loo jeediyay.

Waxa uu sheegay in hadda aanu doonayn in wax xil ah uu ka qabto dowladda Soomaaliya ee madaxweynaha uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu dib ugu celiyay go’aankaasi xubnihii u keenay.

Saacid ayaa lagu cadaadiyay in xilka uu ka dego, hase ahaatee waxa uu taasi shuruud uga dhigay in la keeno Ra’iisul wasaare Farmaajo, laakiinse qorashahaasi aad ayuu u dhicisoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo Sanad ah shaqeyneysay, hase ahaatee haatan waxay u muuqataa mid aad iyo aad u fashilan, maadaama ay wax ka qaban weysay arimo badan oo u baahnaa in deg deg loo daboolo.

Codsiga loo gudbiyay Ra’isul Wasaarihii hore ee Somalia Farmaajo, ayaa waxa uu kusoo beegmaaya Xilli Xukuumadda Somalia ay ku guul dareysatay inay hanato Ammaanka Dalka gaar ahaan Caasimadda oo ay todobaadyadii ugu dambeeyay ka dhacayeen Qaraxyo is xig-xigo oo lala bartilmaameysanayay xarumaha Dowladda iyo goobaha ay ku sugnaayen Shacbiga.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.