Reer Kismaayo oo marti u noqday Madaafiic. (Warbixin)

53

index

Wararka nooga imaanaya Magaaladda Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi uu Habbeennimadii xalay ka dhacay Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciiddamadda AMISOM iyo Dagaalyanaaho Alshabaab ah.

Dagaalka ayaa waxa uu intiisa badan ahaa Duqeymo Madaafiic ah oo lagu garaacaayay Xarumaha Maamulka KMG Kismaayo sida Garoonka iyo Jaamacadda oo muhiimad gaar ah u leh Maamulka Kismaayo, waxaana Madaafiicdaasi jawaabo ka bixinaayay Ciiddamadda AMISOM oo iyaguna inta badan xaafadaha la dhacaayay Madaafiic iyo Rasaaso kala duwan.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo waramaaya in markii hore ay la hor mareen Dagaalyahaanada Alshabaab oo horaantii Rasaas iyo Madaafiic dukun daakun uga dhigay Xarrumo iyo Fariisimo Ciidan, waxaana kadib bilaabatay Madaafiic xoogan oo ay i weydaarsanayeen kuwa AMISOM iyo Alshabaab.

Labada dhinac ayaa waxa ay kala sheeganayaan guulo waxaana inta badan Saakay aroortii waddooyinka lagu arkaayay Meydad iyo dhaawacyo ku waxyeeloobay Weerarkaasi walow aan weli si rasmi ah loo shaacin Tirada Khasaare ee ka dhalat weerarkaasi.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.