Qaban qaabo lagu soo dhaweynaayo Madaxweyne Xassan oo ka socta Beledweyne

84

index

Qaban qaabo ballaaran oo ku aadan soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka socota Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Wasiirada Soomaaliya ayaa u ambabaxay Magaalada Beladweyne oo saacadaha soo socda la filayo inuu halkaasi gaaray.

Xubno ka tirsan maamulka Gobalka Hiiraan ayaa ku sugan Garoonka Ugaas Khaliif ee Magaalada Beladweyne halkaasi oo lagu sugayo Madaxweynaha Soomaaliya.

Saaka Warar soo baxay ayaa sheegaye in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka baaqday safar uu ku doonaye inuu ku tago Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe,inkastoo weli aan si dhab ah loo ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysay baaqashadiisa Jowhar.

Majirto faah-faahin ka baxsan intaasi oo ku aadan soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya uga socota Magaalada Beladweyne.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.