Faahfaahin dheeraad ah oo laga helaayo Weerar ka dhacay Magaalladda Afmadow.

54

qarax1-490x300

Wararka laga helaayo Magaalada Afmadow ee gobalka J/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in weerar lagu qaaday Ciidamada maamulka Jubba uu sababay dhibaata soo gaartay dad Shacab ah.

Inta la ogyahay, waxaa ku dhintay hal ruux oo shacab ah halka lix kalana ay ku dhaawacmeen kuwaas oo guud ahaan la geeyay goobaha caafimaadka.

Weerarkaasi ayaa waxaa Maamulka Jubba ay ku eedeeyeen in ay ka danbeeyeen kooxda Shabaab in ay ka danbeeyeen weerarkaasi oo ahaa miinada nuuca Rumuudka laga hago kana dhacay suuqa loo yaqaanno Suuqa Nanada.

Cabdulqaadir oo kamid ah saraakiisha maamulka Afmadow ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan howl-gallo lagu baadi goobayaan kooxihii ka danbeeyay qaraxaasi suuqa lagu qaaday

Ma cadda sida ay maamulka kayeeli doonaan weerarada ceynkaasi ah oomudooyinkaani kusoo badanaayo Afmadow waxaase la filaaya in Ammaanka Magaalladda si gaar ah loosugi doono muddo Asbuuc ah.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.