Faahfaahin dheeri ah oo kasoo baxayso Qaraxii ka dhacay Village Restaurant (SAWIRRO)

97

Qarax gaari iyo qof isa soo midaamiyay ayaa isku qarxiyay maqaayad caan oo ku taalla Muqdisho, waxaana ku dhintay ugu yaraan 18 qof, sida uu Shabakadda u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan booliska degmada Xamar-weyne.

Qaraxyada ayaa lala eegtay maqaayadda Village Restaurant oo ku dheggan guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Weriyaha Shabakadda oo gaaray maqaayada ay qaraxyada ka dhaceen ayaa sheegay inuu arkay meydadka toban qof oo u badan dad rayid ah.

Sarkaalka u hadlay booliska ayaa ku eedeeyay al-Shabaab inay ka dambeysay qaraxyada.

Maqaayadda qaraxa lala eegtay ayaa isla bishan oo kale sanadkii la soo dhaafay waxaa lala eegtay qarax ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday.

pixs 028pixs 029pixs 031pixs 033pixs 039pixs 042pixs 043pixs 047pixs 054pixs 055

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.