Hoolka lagu qabanaayo shirweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo oo nadaafad iyo diyactir lagu bilaabey

87

Ururka haweenka gobolka Bay oo ay wehliyaan dhalinyaro iyo ganacsatada gobolka Bay oo iskood isku xilqaamey ka shaqeynta nadaafacada, dayactirka iyo weliba qalabeynta hoolka ADC oo loo asteeyey in lagu qabto shirweynaha maamul u sameynta gobolka koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa si xowli ah uga bilowday xaruntaas.

[audio:http://idalenews.com/wp-content/uploads/2013/09/HoolkaADC.mp3]

hoolka-shirka-baarlamaanka

Hoolka ADC oo ahaa xaruntii  Barlamaanka dowladdii kmg ee C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu qiyaasey in 3000 qof  ay hal mar fadhi ku yeelan karaan, iyadoo la rajeynaayo in marka dayactirka dhamaado uu halkaas ka furmo shirweynaha looga arrinsanaaya aayanaha iyo mustaqbalka maamul ay yeeshaan lixda gobol ee beelaha Digil & Mirifle taageerayaashooda ay degan yihiin.

Idale News Online, Baydhabo

You might also like More from author

Comments are closed.