Madaxweyne Xasan: Gobolkaan Shabeelaha Hoose waxuu EEBBE ku maneystay xeebo, beero, wabi, xoolo iyo Nimco kale oo qarsan oo intaba ah kheyraadka dalka

35

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay la socdaan qaar ka mid ah wasiirada ugu dhow dowladiisa oo kala ah C/kariim Guuleed, C/xakiim Fiqi iyo wasiirka Cadaalada Abyan ayaa safar dhulka ah ku tagey xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ee Magaalada Marka, safarka Madaxweynahaa ayaa ujeedkiisa ugu weyn ahaa dhameystirka heshiis dhowaan magaalada Muqdishoku gaareen beesha Biyanaal iyo Qaar ka mid ah beelaha Hawiye oo dagaalo soo noqnoqdey uu ku dhex maray gobolka Shabeelaha Hoose.
MarkaCadeey MarkaCadeey1

Safarka Madaxweynaha oo qaatey labo maalin ayaan si buuxda loo soo bandhigin heshiis dhameystiran oo 2da dhinac ee horey u heshiiyey ay gaareen. Hase ahaatee madaxweynaha oo talooyinka ka dhageystey dadka deegaanka gobolka shabeelaha hoose ayaa loogu baaqey in uu bedelo maamulka gobolka iyo degmooyinka gobolka  hadda ka dhisan oo ay sheegeen in si khaldan lagu keeney gobolka laguna bedelo maamul ay dadka gobolka raali ka  wada yihiin isla markaasnadadka deegaanka ay soo doortee una dhashey ee aan ku dhalan gobalka.

Lama oga inuu madaxweyne Xasan u riyaaqey ama fulin doono soo jeedinta beelaha deegaanka, hase ahaatee waxaa looga fadhiyaa in jawaab degdeg ah ka bixiyo codsiga dadka deegaanka  oo u arka inay xal u noqon karto dagaalada iyo isbaarada soo noqnoqotey ee gobolka ka jirtay sanooyinkii ugu dambeeyey.

Idale News Online Mogadishu,

 

You might also like More from author

Comments are closed.