Madaxwtooyada oo ka hadashay safarka Xasan Sheekh ee magaaladda Marka.

30

Yariisow-150x150

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan, Wasiiradda, Cadaaladda , Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Taliyayaasha Ciidamadda Xooga iyo Nabad Sugidda ayaa maanta gaaray magaaladda Marka ee Xarunta Gobolka  Sh/Hoose.

Madaxweynaha oo saaka safar dhulka kaga baxay magaaladda Muqdisho ayaa  ku hakadey  degaanka No 50 halkaasi uu kula hadlay  boqlaal qof oo ka tirsan dadka degaanka islamar-kaana ka dhageystay tallooyinka ay u soo jeediyeen duqeyda degaanka ka dibna halkaasi safarkii dhulka ahaa ka sii watay.

Waxaa magaaladda Marka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh , Maamulka  Gobolka Sh/Hoose iyo kan Degmadda Marka , Saraakiisha ciidamadda  iyo  Shacabka magaaladda .

Ujeedda Safarka Madaxweynahu ee magaaladda Marka  iyo degaanadda kale ayaa ah  baahinta nidaamka  Dowladnimo ee goboladda dalka , dib-uheshisiinta, la tasshiyada bulshadda Shirweynahayaasha Qaran ee ka socda Muqdisho, Shirka 16 September Burgles  iyo aragtida fog ee Dowladda ee ah in doorashooyin  dhacaan 2016.

“Ma jirto haba-yaraatee wax carqalad ah ee uu la kulmay Madaxweynaha iyo wafdiga , waan la soconaa Kooxaha nabad diidka  wax-yaalaha ay baahiyeen laakin xaqiiqdu waxey tahay in si nabad ah Madaxweynahu uu ku gaaray Marka” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.