QM oo taageertay Shirka Muqdisho ka furmay (Warbixin)

84

rr

Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweysay shirka qaran ee shalay ka furmay Magaalada Muqdisho kaasi oo looga hadlayo qabashada doorasho xor ah oo 2016-ka ka dhacda Soomaaliya.
Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay dowladda Soomaaliya ka taageereyso nabadda iyo qorshaha dib u heshisiinta dalka.

Danjire Nicholas Kay ayaa tilmaamay in ay sidoo kale dowladda Soomaaliya kala shaqeynayaan istaraatiijiyad wanaagsan oo lagu horumarinayo dalka oo ay ka mid tahay horumarinta habka federaalka ah, dib u eegista dastuurka, afti loo qaado ansixinta dastuurka iyo u diyaar-garowga doorashooyin xor iyo xalaal ah oo sanadka 2016-ka ka dhaca Soomaaliya.

“Qaramada Midoobay waxay taageeraysaa guulaha shirkaan oo ay ku jiraan horumarinta hiigsiga iyo rajada iyo dib u eegista aragtida Shacabka si Somalia ay ugu dhaqaaqdo doorashada dimuqraadiga ee sanadka 2016”Ayuu yiri Mr Key.

Shirkaan ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa socon doona ilaa 6-Septembar bishan aan kuguda jirno.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.