Taliye Cusub oo la guwareejiyay Ciidamo Ka Tirsanaa Ahlusuna

69

talii

Col. Sulub Axmed Diiriye Shabeel oo ah taliyaha ciidamada XDS ee qeybta 21 aad   ayaa saaka  la wareegay cutubyo ka tirsnaa ciidamada Ahlusuna  oo ku sugnaa degmada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo lagu biirinayo ciidamada XDS islamarkaana tababar looga furidoono xeradi qeybta 21 ad ee Dhuusamareeb.

‘’Waxaan la wareegeynaa ciidamadii Ahlusuna ee degmadii Cabuudwaq ayaan saaka la waregnay, horena waxaan ula wareegnay ciidamadi Ahlusuna ee ku sugnaa Dhuusamareeb iyo Guriceel, tababar ayaa loo furayaa kadibna waxey helidoonaan xuquuqdooda ciidan’’ Sidaasi waxa yiri taliyaha qeybta 21 aad ee ciidamada XDS.

Taliyaha ayaa xusay in arinta ugu muhiimsan ee la wareegida ciidamada Ahlusuna iyo isku darka ciidamada ay ka dambeysay heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen gudoomiyaha gobolka Galgaduud iyo culuma’udiinka Ahlusuna waljamaaca.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.