Daawo: Banaabax looga soo horjeedo Heshiiskii Dowlada iyo Maamulka Jubba ku gaareen Itoobiya oo ka dhacay Baydhabo

50

Dibad-baxyo looga soo horjeedo heshiiskii dhowaan magaalada Addis Ababa ku dhex marey Dowladda Federalka Somalia iyo maamulka KMG ee Jubba ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.

Bannaan-baxan ayaa waxaa soo abaabulay waxgaradka iyo aqoonyahanno ka tirsan deegaanka, iyadoo ay ka qaybgalayaan dadweyne fara badan oo isugu jira masuuliyiinta Maamulka Gobolka Bay, Aqoonyahano, rag, dumar iyo carruur.

banaabax1 banaan1

Dhageyso Mid ka mid ah masuuliyiinta gobolka Bay oo ka hadlay Banaanbaxa [audio:http://idalenews.com/wp-content/uploads/2013/08/abdallaKeyraad.mp3″]

banaanbax

Heshiiska ay gaareen dowladda iyo maamulka maamulka Axmed Madoobe ayaa dhigayey in la sameeyo maamul KMG oo la magac baxay Jubba, kaas oo uu hoggaamin doono isla Axmed Madobe, ayna hoos imaan doonaan gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

You might also like More from author

Comments are closed.