Snoden oo Mar Kale Sir Culus oo Khatar ah Fafiyay

69

rgrgrgr

Wargeyska The Washington Post ayaa Khamiistii shalay shaac ka qaaday in lacag ka badan 52 bilyan oo dollar oo misaaniyad suuq madow ah loo qoondeeyay mashaariicda Basaasidda miisaaniyad sanadeedkii 2013ka.
Qandaraas Qaatihii horey ula soo shaqeeyay Sirdoonka Mareykanka Edward Snowden, oo haatan ku suggan Ruushka Mareykankuna ay doon doonayaan,  ayaa dusiyay dukuminti kale oo sir oo culus, kaasoo markii ugu horeysay shaaca ka qaadaya sida dowladda Mareykanka ay ugu bixiso tobanaan Bilyan oo dollar barnaamijyada daba galka iyo basaasidda.

Inkastoo dowladda Mareykanka ay sheegto si guud lacagta ay ku bixiso sir doonka, ayaa hadana dekumintigan oo ka koobma 178 bog, waxa uu kala dhig dhigayaa sida hay’adaha sir doonka ee Mareykanka lacagaha ay ku kala helaan, iyo waxa ay ku sameeyaan.

Sida uu war qoray wargeyska Washington Post, hay?adda CIA ayaa hesha lacagta ugu badan ee lagu bixiyo hay’adaha sir doonka Mareykanka, iyadoo miisaaniyad ahaan loo qoondeeyay 14, 7 bilyan sanadkan 2013ka, taasoo boqolkiba  konton ka badan lacagta ku baxda haydda Amaanka Qaranka, oo uu Snowden u shaqeyn jiray.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.