Faroole oo dhaliilay heshiiskii shalay dhexmaray dowladda iyo Axmed Madoobe

60

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka Reuters ku dhaliilay heshiiskee shalay dhexmaray dowladda federalka iyo maamulka Axmed Madoobe ee Jubba.

Faroole oo sidoo kale eedeymo kulul u jeediyay dowladda dhexe ayaa ku eedeeyay in ay dooneyso in ay meesha ka saartay nidaamka federalka ee dalka loo dajiyay.

Heshiiskii shalay magaalada Addis Abeba ku dhexmaray dowladda federalka iyo maamulka Axmed Madoobe ayuu ku sheegay mid “lagu qiyaamay” dadka dega Jubooyinka oo aysan dowladda u ogolaan in ay sameystaan maamul iyaga u gaar ah.

“Waxa ay wadaa (dowladda) qorshe ah in ay aduunka tusto in nidaamka federalka uusan Soomaaliya ka hirgeli karin islamarkaana ay madaxa isugu geliso dadka”,  ayuu yiri Fareele.

Sidoo kale waxa uu ka haday heshiis ay dhawaan la gashay dowladda shirkado shidaalka qoda kuwaas oo uu sheegay in ay ka mamnuucayaan deegaanada Puntland hadii ay yimaadaan.

Hadalka Faroole ayaa ku soo beegmaya xilli caalamka ay soo dhaweeyeen heshiiskii shalay dhexmaray dowladda iyo maamulka Axmed Madoobe.

Idale News  Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.