Maxay ka tiri Dowladda Mareykanka wada hadalkii Dowladda Somalia iyo Maamulka Jubbaland?

44
 
 ghfgfgf

Dawladda dalka Mareykanka ayaa soo dhaweysay heshiiskii shalay ay kala saxeexdeen dhinacyadii kala matalaayay dawlada Somaaliya iyo maamulka Jubbaland ee ka dhacay caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa, sidaana waxa lagu sheegay waraqad qoraal ah oo uu soo saaray Ergayga khaaska  ah ee dalka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Mr James P. McAnult.

Ergayga Maraykanku waxa kale oo ku hambalyeeyay labada dhinac ee heshiiska ku gaadhay Addis Ababa sida ay ugu guulaysteen inay ka midho dhaliyaan wadaxaajoodka iyo sida ay isugu tanaasuleen, waxaanu sidoo kale dawladda Dalka Ethiopia ku bogaadiyay doorka aadka u muhiimka ahaa ee ay ka ciyaartay suurtagelinta heshiiskan, waxaanu ugu baaqay dhinacyada inay ka dhabeeyaan hirgelinta heshiiskan, waxaanu tibaaxay inay dawlada dalkiisu sii wadi doonto taageeradda ay siiso Soomaliya.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.