Wasiir dibadeedka Itoobiya oo sheegay in shirkii Addis Ababa lagu heshiiyey iyo Jubaland qaadatey Magaca Juba Administration

53

Wararka laga helaayo magaalada Addis Ababa  ayaa sheegaya in caawa lasoo gaba gabeeyey shirkii u socday Maamulka Axmed madoobe iyo waliba Dowlada Somalia.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia Dr. Tedros Adhanom oo bartiisa Twitter kaga hadlay shirka lagu heshiisiinaayo dhinacyada Somalida ayaa ku sheegay in guul laga gaarey  heshiis buuxa gaareen dowlada federaalka iyo Maamulka Axmed Madoobe berrina ay  wada  sixiixi doonaan

Inkasoo Warsaxafadeed toos ah la siin warbaahinta balse warar hordhac kasoo baxaayo shirka ayaa sheegaya in la isku afgartay shirka isla markaana la xaliye qodobadii muranka xoogan dhaliye. gaar ahaan waxaa la xaliyey magaca maamulka Jubaland oo lagu heshiiyey in la qaato Juba Administration ama “Maamula Juba”

adis1

Warka ayaa intaasi raacinaayo in qodobkii ugu xasaasi sanaay ee shirka la isku heystaa cida maamuli lahayd dhaqaalaha kasoo baxa Gobolka ayaa la isku afgartay Gudi labada dhinac kasocda in loo xilsaaro.

Dr. Tedros Adhanom Wasiirka Arimaha Debada Itobiya Ayaa U xaqijiyey warbaahinta Inay Guulaysteen wada lahalada  Somaalida Guulna U Tahay Umada Soomaaliyeed In Is Afgarad gadhaan.

wali Masoo bixin warmurtiyeed lakiin waxa Xog rasmiya lagu helaya Inay Ergadani isku Afgarten In lasoo gaba gabeyo wada Hadalada Oo Wixii laysku mari layahay Laysku Tanaasulo mar hadii labada Dhinac Heshis Ka Go’an Tahay Inay wada Gadhaan.

hadii Sida Ku Soo kala tagaan waxay noqonaysa  Mid Dowlada Soomalaiya guul U Ah Muranka Tirada Dheer ee Jubooyinka kaga Haysta Oolasoo gaba gabeeyo waxayna Fursad Siinaysa Dowlada kalsoonideeda Shacabka.

Ugu danbeyntii shirkaan oo soo qaban qaabiyeen Urur Goboleedka Midowga Igad isla markaa Gogosha fidishay Dowlada itoobiya ayaa kadhashay muran xoogan kasoo salka kuhaayo qodobo labada dhinac soo saarayn kasoo mid waliba u arko maslaxadiisa.

Waxana Lagu wada Inuu Shir kale Ooo Arimahani lagu Xoojinyao Uu ka Dhaco magaalada nairobi

You might also like More from author

Comments are closed.