Khilaaf soo kala dhex galey Ergada Jubaland ka dib markii Axmed Madoobe iyo dowlada isu soo dhawaadeen

41

War naga soo gaaraaya xarunta shirka ee magaalada Addis Ababa waxa uu sheegaaya in wadahadalka Jubaland iyo Dowlada Federaalka uga socda Addis Ababa noo xaqiijiyey in Wadahadalkii uu Xalay goor dambe gaarey jawi kacsan ka dib markii Ergada Jubaland ka war heleen in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe lagu cadaadiyey  inuu aqbalo inuu ka kaaftoomo magaca madaxweynaha Jubaland uuna qaato magaca General Governor, taasoo ergada dhankiisa iyo kuwa gudaha kismaayo ku sugan ay diidmo ka muujiyeen.

Arrintaan ayaa muujinayso in Axmed Madoowe uu gacan saar iyo heshiis hoosaad la sameeyey dowlada Federaalka Soomaaliya, uuna doonayo inuu aqbalo in magaca Madaxweynaha Jubaland meesha laga saaro isla markaasna Axmed Madoobe qaato jagada ah General Govorner Guddoomiye Gobolka Jubooyinka.

adis4

Ergada Jubaland ayaa hadda waxay ku mashquulsan yihiin iney saxaan qaabka iyo magaca uu yeelanayo hoggaamiyaha Jubaland.

Idale News ONline

You might also like More from author

Comments are closed.