Dhageyso: Gudoomiye ku xigeenkii Gobolka Bay oo ka digey dagaal guud oo hor leh oo dalka dib uga bilowda

44

Shiino Macalin Nuurow oo ah Kuxigeenka Maamulka Gobolka Baay horyna u ahaan Abaan duuliyaashii Jabhadii Dib U Xureynta RRA ayaa wuxuu ku dhawaaqey hadal u muuqda dagaal ka dhan ah duulaanka iyo boobka ka socda Shabeelooyinka & Gobolada Jubooyinka & Gedo iyo in Beelaha Digil iyo Mirifle difaacdaan dhulkooda kana hortagaan halis ku jirta.

Dhageyso Shiino Macalin Nuune : [audio:http://idalenews.com/wp-content/uploads/2013/08/shiineMacalinNuurow.mp3]

shiino maclin

Mudane Shiino Macalin Nuurow oo maanta kulan la qaatay Malaaqyada Digil iyo Mirifle ayaa dhaliiley doorka odayaasha beelaha  oo uu sheegay in ay iyagu sabab u yihiin dib u dhaca deegaanadooda, hase ahaantee waxuu kula dardaarmey in ay garab istaagaan dhalinyarada Digil iyo Mirifle ee u taagan xoreynka iyo difaaca dhulkooda iyo dadkooda ay kaga hortagayaan beelaha duulaanka ku ah gobolada Shabeelaha Hoose iyo Jubooyinka iyo Gedo.

Waxuu Shiino ku goodiyey in haddii dowlada federaalka Soomaaliya ay heshiis la gaarto Maamulka Axmed Madoobe taasi bedelkeedu  Beelaha Digil iyo Mirifle dhamaantood kalsoonida kala laabanayaan dowlada isla markaasna ay  ka baxaayaan dowlada federaalka Soomaaliya.

Shiino Macalin Nuurow ayaa cadeeyey in Ciidamo ka yimid deegaanada Soomaaliland ay ka soo dageen dhanka dekada Marka si ay halkaasi ugu biiraan beesha Biyamaal taasoo uu sheegay in ujeedka Somaliland ay halkaas ciidamo u keentay ay ka wayn tahay iney difaacdo beesha Biyamaal ee qeyb ka mid ah degmada Marka degta, taasina ay u muuqato boob hor leh oo  ay meesha ka saareyso in Beelaha Digil ee inta badan gobolka Shabeelaha Hoose degan gaar ahaan 7 kamid ah sideeda degmo ee gobolkaas lagula kacaayo.

Hadalka Shiino ayaa ku soo aadaayo iyadoo shir uu ka socdo magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya kaasoo dowlada iyo Maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe la rabo in lagu heshiisiiyo. Waxaase kale oo jirta iyadoo heshiis kale oo Muqdisho loogu qabtey beelaha Hawiye iyo Dir lagu sheegay in ay go’aano mideysan ka qaateen maamulka iyo dagaalada Gobolka Shabeelaha Hoose ka jira.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.