Qarax lagu dilay Ugaaska Beesha Gelimays-Absame oo Kismaayo ka dhacey

132

UGAAS1

Ugaaska Beesha Cabdi Kuumade (Afarta Absame Adeerkood) Ugaas Cabdiqaadir Sheikh Ahmed iyo wiil uu adeer u yahay oo ahaa Ina Salaad Cabaas Adan ayaa maanta ku geeriyooday qarax miino la kacday Gaarigii ay saarnaayeen oo Marayay xaafada Shaqaalaha ee Magaalada Kismaayo.  Qaraxan oo ahaa mid aad u culus ayaa waxuu sababay in gabi ahaanba ay isku bas beelaan Gaariga iyo dadkii saarnaa.

Ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay qaraxa lagau dilay ugaaska beesha Cabdi Kuumade ee ka mid ah beelaha Absame, laakiin maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe ayaa iyagu ku eedeeyey ururka Alshabaab oo looga bartay falalkaan iyo kuwa ciidamadii dhowaan laga saarey magaalada oo iyaga sheegay inay maleegayaan qaraxyo la mid ah kuwa alshabaab oo lagu ugaarsanaayo kooxaha ayidsan maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe.

ugaas7ugaas8ugaas10UGAAS5ugaas

 Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.