Daawo Militariga Masar oo Xasuuq u gaystay madaxweynihii la riday ee Masar Max’ed Morsi + Sawiro

34

Ciidamada amaanka dalka Masar ayaa maanta waxa ay si bareer ah u dilay dibad baxayaal diidan afgenbiga lagu sameeyay madaxweynihii sida dimuquraadiga ah loo doortay ee dalkaasi waxaana wararka hordhaca ay sheegayaan in dad 100 qof kor u dhaafaya ay meleterigu ku dileen fagaaraha uu ka socday Raabaca Al calawi.

Xasuuqa maanta ayaa waxa uu dhacay kadib markii wasaarada arimaha gudaha ee dowlada meleterigu taageero ay amar ku bixisay in dibad baxayaasha Mursi taageeraya laga wado fagaarayaasha si qasab ah.

Dibad baxayaasha oo horay u balan qaaday in ay wadooyinka taagnaanayaan ilaa laga soo celiyo Mursi ama laga laayo ayaa iyana waxa ay xirteen wadooyinka soo gala goobaha ay dibad baxyada ka dhigayeen iyaga oo meelaha qaarna ay taagnaayeen rag afka duubtay oo qorya wata si ay u difaacaan mudaaharaadayaasha.

Meydadka dibadbaxayaasha lalaayay ayaa waxaa leesugu keenay hal meel iyada oo aad ugu kpr ooyayaan eheladooda, inkasta oo akhwaanku ay ku dhaarteen in ay sii wadayaan dibadbaxyada
mxasuuq_1

mxasuuq_1mxasuuq_1mxasuuq_1mxasuuq_1mxasuuq_1mxasuuq_1mxasuuq_1

You might also like More from author

Comments are closed.