Ra’iisul wasaaraha Norway Stoltenberg ayaa la soo bandhigay muuqaalkiisa isaga oo gelinka dambe ee maalintii tagsi ku shaqeynaaya

37

Stoltenberg waxa uu sheegay in uu doonayey in uu dhageysto fikradaha ay qabaan dadka cod bixiyayaasha ah maadaama tagaasidu yihiin meelaha fara ku tiriska ah ee dadku ay ku wadaagaan waxyaabaha ay sida dhabta ah u aaminsan yihiin.

Wuxuu labistay okiyaalaha madoow ee qoraxda laga gashto iyo dharka gaarka u ah tagsiilayaasha Oslo gaar ahaan midabka ay gashtaan xiliyada xagaaga ah iyadoo uu dadka uu qaadayo uu tusayey teesarihiisa marka ay aqoonsadaan kadib, iyadoo hadaladii isaga iyo dadka tagsiga saaran dhex marayeyna ay duubeysay kaamiro qarsoon.

NorwayPrimeMinister

Dadka qaar ayaa ku dhaleeceeyey qaabkii uu tagsiga u waday waxa ay sheegeen in qaladaad badan ay ka dhaleeceen, waxaana ay tusaale u soo qaateen xili uu si xoogan fariinka uqabtay, waxaase uu isku difaacey in gaariga otomatik ah uu ahaa tagsigu uuna ku qalday gawaariga farsiyoonka leh sidaa daraadeed uu fariinkii qabtay isagoo farisiyoon raadinaya, waxaana uu qaladkaas cudurdaar uga dhigay inaanu wadin wax baabuur ah mudo sideed sanadood ah.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.