Wafdi uu hogaaminaayo gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Jawaari oo gaarey Uganda.

43

Wafdi uu horkacayo afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Jawaari1

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa ayaa casuumaad rasmi ah waxa ay ka heleen baarlamaanka dalka Uganda.

Wararka ayaa sheegaya in muddada uu Jawaari joogo dalka Uganda uu kulamo la qaadan doono dhiggiisa dalkaasi Uganda, si ay u wada saxiixdaan heshiis wax wada qeybsi ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka guddoomiyaasha baarlaamannada Soomaaliya iyo Uganda lagu mataaneyn doono labada baarlamaan.

Wafdiga Gudoomiyaha ayaa la sheegayaa inuu muddo 10 cisho qaadan doonto safarkiisa ka hor inta uusan dib ugu soo noqon dalka.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.