Dhageyso: Xildhibaan Xasan Abshir oo khalad ku tilmaamey qaabkii DF Somalia u soo dirtey Markabkii Raashinka Wadey

41

Xildhibaan Xassan Abshir Faarax oo ka mid ah xildhibaanadda Dowladda Faderalka ee Soomaaliya ugu jira deegaanada Puntland ayaa maanta dhaliiley qaabkii ay dowladda Fadderalka Soomaaliya ay markab ka mucaawimadda sidey ugu soo dirtey meelo ka mid ah deegaanadda Puntland.

[audio:http://idalenews.com/wp-content/uploads/2013/08/xasanAbshir.mp3]

xasanAbshir

Xildhibaanka oo ku sugan magaaladda Garowe ayaa xili uu la hadlayey mid ka ah idaacada Maxaliga ayaa sheegey in arrintaasi ay tahay khalad weyn oo dowladda gashey islamarkaana dowlada ay tahay in Puntland u soo marto maamulka ka jiro intii ay qabaa’ilo gooni ah xiriir ula sameyn lahayd.

Maamulka Puntland ayaa maanta celisey markab raashin sidey oo laga leeyahey dalka Turkiga kaas oo aan wax ogaysiin ah laga siin maamulkooda, waxaana markabkaasi uu raashin yar u wadey goobo cayiman iyadoo ay Puntland arintaasi si weyn uga jawaabtey talaabo dag dag ahna ka qaadatey.

Dadka ka faalooda arimaha Siyaasadda Soomaaliya ayaa tilaabaddan ay qaadey dowladda Faderalka ee Soomaaliya ku tilaamey mid sii xumeynaayo xiriirka dowlada Federaalka iyo Maamulada gobolada ka jira oo markii horeba ahaa mid aad u liitey.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.